Daawo Muuqalka”Gudoomiyaha Sariflayaasha Oo Ka Hadlay Shirweyne Ay Qabsan Doonaan
January 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)- Guddoomiyaha sarflayaasha Axmed Xasan Mataan(Awliyo) ayaa shalay jir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada hargeysa, kaga hadlay arrimo khuseeye sarrifka, islamarkaana amaanay madaxda Baanka muddadii ay hayeen xilka sida fiican ee ay u xalliyeen sixir bararkii umadda naafeeyay wuxuuna si gaar ah u ammaanay guddoomiyaha Baanka iyo maamulaha Baanka dhexe sida ay ula socdaan suuqa sarrifka iyo maaraynta lacagta suuqa iyo baananka iyagoo isku dheelitiray xaddiga lacagta suuqa yaala si uuna kaash badani suuqa u galin.
Waxa kale oo uu iyana ku ammaanay sarriflayaasha sida fiican ee ay dadkooda ugu naxariistaan, iyagoo go’aansaday inay umaddooda ka jabiyaan dallarka lacagta dalkana qiimeeyaan. Waxaanu guddoomiyuhu farriin u diray ganacsatada wax iibisa inay dadkooda ka jabiyaan qiimaha maadaama oo uu dallarku kacsanaa hoos u dhacay.