Gudoomiye Ciro Oo Gaadhey Addis Ababa Iyo Kulamo Uu La Qaadan Madaxda Sare Ee Dawlada Faderaalka
January 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Gudoomiye Cirro oo qoraal ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay inuu la kulmo doono saraakiil ka tirsan dawlada federaalka ah ee Itoobiya iyo madaxda kilalka shanaad ee soomaalidu degto.
Gudoomiye Cirro ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,”