Muqdisho”Sarkaal Toorrey Ku Dilay Xaaskiisii Hore Oo Maxkamadi Xukuntay In La Qisaaso
January 20, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Sarkaal lagu Magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Cali (Nisa) ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19/12/2018.
Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa hore u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, waxayna markaa ka dib guurstay nin kale, laakiin Xidigle Maxamed Cabdiraxmaan Cali (Nisa) oo isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, ayaa halkii daganeyd ugu tegay isagoo sida la sheegay isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto, balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, hase-ahaatee waxa la sheegay inuu markaa Toorrey (Mindi) la dhacay Xaaskiisii hore, taasi oo keentay inay Geeriyooto.