berberatoday.com
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Warramay Tirada Dacwadihii Maxkamadaha Dalka Soo Galay Labadii Sano Ee U Dambeeyay Iyo Inta La Dhameeyay
January 21, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa ka warramay Dacwadaha Dalka soo galay sannadkii 2018 iyo sannadkii ka horreeyay ee 2017-kii.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in sannadkii 2017-ka ay soo galeen Maxkamadaha Dalka Dacwado ka badan 11 Kun, halka sannadkii 2018-kana ay soo galeen Dacwado ka badan 15 kun, kuwaasi oo iskugu jira madani, Ciqaab iyo fulin, hase-ahaatee bahda Garsoorka oo dedaal badan muujiyey sannadkii hore ay 83% Dacwadaa ka mid ah dhamaystireen.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Sannadkii 2018 waxa na soo galay 15,480 Dacwadood guud ahaan, sannadkii hore ee 2017-kiina waxa na soo galay 11,955 dacwadood guud ahaan, labadaa sanadood ee 2017 iyo 2018 waxay is dheeryihiin 3,453 Dacwadood, Dacwadaha sannadkii hore waxa la dhameeyay oo la soo afjaray 83%, Dacwadaha dhammaaday waxay ahaayeen 9,952 Dacwadood, sannadkan 2018 waxa la soo afjaray 12,913 oo ah 84%, markaad eegto korodhka kordhay Ciqaabta iyo Madaniga ee la soo afjaray, sannadkan 59% inta Madaniga ah ayaa kordhay (soo afjaridda), inta ciqaabta ah ee la soo afjarayna waa 41%..”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa kale oo uu sheegay “Dacwadaha fulinta ah ee Sannadkan 2018 na soo galay waa 1,670 Dacwadood, sannadkii horena waxa na soo galay 1,346, faraqa u dhexeeya Sannadkii 2017-2018 waa 324 Dacwadood, dacwadaha dhamaaday sannadkii 2017-kii ee fulinta ah waa 1,394  oo u dhigma 83%, Dacwadaha hadhay ee sannadka 2018 ee socda waa 276 dacwadood oo keliya oo u dhigma 17%, Sannadkii hore markaynu barbar dhigno waxa dhammaaday dacwadaha fulinta ah 920 bay ahaayeen, 32% ayay ahaayeen Dacwadaha hadhsanaa 2017-kii, laakiin 68% ayaa la dhameeyay, markaa Dacwadaha la dhameeyay wuxuu tagay 83%, halka uu sannadkii kaa ka horreeyay ahaa 68%…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dacwadaha ugu badan ee labadii sannadood ee u dambeeyay Maxkamadaha soo galay ay ahaayeen Dacwadaha loo haysto Carruurta Dadka baadha “Dacwadaha sare u kacay waxa ka mid Carruurta iyo Gaangiska Dadka boobaya ee Magaalooyinka waaweyn ku batay, kaasi kow ayuu ka yahay, arrintaas horena waanu u sheegnay sarena way u sii socotaa….”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in dakhli badan ay Maxkamaduhu soo xereeyeen “Maxkamaduhu waa goobo dakhli ururin oo waaweyn, markaa sannadkii 2018-kii dakhliga soo galay aad ayuu u kordhay, Lix boqol, Shan kun iyo Lix boqol oo dollar waxay ka soo xeroodeen noocyada Maxkamadaha ee Waddanka oo dhan, markaad isku geysana lacag ku dhow 8 boqol oo kun oo dollar ayay maxkamaduhu ku dhawaadeen.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in sannadkii u dambeeyay ay tababbar heleen in ka badan 350 xubnood oo ka mid ah Bahda Garsoorka, sidoo kalena ay hirgeliyeen dhismayaal Garsoorku ku shaqeeyo, sidoo kalena la dayactiray dhismayaal Maxkamadeed, Xarumaha Garsoorka ee Dalkana la gaadhsiiyey qalab cusub oo fududaynaya shaqada Garsoorku hayo.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews