Sawir Laga Qaaday Maal-qabeenka Bil Gates Oo Cunto Saf Ugu Jira Oo Bulshada Adduunka Soo Jiitay
January 21, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)_Maalqabeenka caanka ah ee Bill Gates oo ah maal-qabeenka labaad ee uu hantida badan Dunida ayaa waxa laga qaaday Sawir xili uu ku jiray Kuyuu isla-markaana uu wax ka iibsanayay Maqaaxi lagu iibiyo Humburger-ka iyo cuntooyinka fudud oo ku taala Magaalada Seattle ee Dalkaasi Maraykanka .
Arrinta sababtay in Sawirkaasi la qaadaa dhigo ayaa waxa ay tahay in maal-qabeenka hantida u haysto lagu qiyaaso 95.5 Billion oo Dollar uu wax ka iibsanyay maqaaxi ay dadka caadiga ah ee dakhligoogu dhexdhexaadka yahay ay wax ka cunaan uu ka iibsanayay Humberger uu cuno, isagoo kuyuu u galay iibsiga cuntadaasi, isla-markaana sugayey Dadka ka horreeyay intay iibsanayaan Cuntadaasi.