berberatoday.com
“Sida Ay Doonan Ma Yeeli Karaan Muuse Iyo Faysal,”Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro
January 21, 2019 - Written by admin
“Sida Ay Doonan Ma Yeeli Karaan Muuse Iyo Faysal,” Dr Cirro
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa kadib markii uu todobaadadii u dambeeyay socdaal ku joogay caasimadaha Kenya iyo Itoobiya ee Nairobi iyo Addis Ababa. Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga iyo taageerayaal tiro badan ayaa guddoomiyaha ku soo dhaweeyay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Guddoomiyaha oo khudbad u jeediyay dadkii soo dhaweeyay waxa uu sheegay in intii uu joogay Nairobi dalalka doorashooyinka Somaliland daneeya u bandhigay mawqifka xisbiga ee Komishanka iyo arrimaha kale ee doorashooyinka waxaanu sii adkeeyay sida ay xisbiga uga go’an tahay in aanu ka qayb galin doorasho uu qabanayo Komishanka xilligan jooga laakiin, doorashada ay diyaar u yihiin kuna galayaan Komishan caddaalad ah oo cusub.
Safarka Guddoomiyaha
“Waxaan muddo ku maqna dalka Kenya. Waxa aan halka kula kulmay beesha caalamka ee aynu deeq-bixiyeyaasha u naqaan, waxaan u mahadnaqaya diblamaasiyiintii aan la kulmay oo aan uga mahadnaqayo soo dhawayntii diirranayd ee mudnaanta lahayd. Waxa aanu ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, kaalmooyinka horumarineed ee Somaliland la siiyo, arrimaha xuquuqal iisaanka iyo isbedellada siyaasadeed ee gobolka ka socda ee dhaqaale iyo bulshaba. Waxa aanu beesha caalamka u bandhignay mawqifka xisbiga WADDANI ee aanu horena in badan ugu celcelinay shacbiguna ka dheregsan yahay oo ah in xisbiga WADDANI doorashooyinka Wakiillada iyo goleyaasha degaanka oo aan la kala reebin u diyaar yahay haddii ay qabsoomayaan wakhtigii loogu talo galay iyo haddii ay qabsoomayaan maantaba,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Mawqifka Xisbiga WADDANI EE Komishanka
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu sheegay in ay beesha caalamka u caddeeyeen mawqifka xisbiga WADDANI ee Komishanka doorashooyinka “ Waxa kale oo aanu beesha caalamka u caddaynay mawqifkii xisbiga ee ahaa in aanan doorashada ku galayn Komishan aanu kalsoonidii kala noqonay, maantana waan ku celinaya ee WADDANI ku gali maayo Komishan uu kalsoonidii kala noqday doorashooyinka soo socda laakiin, doorashada waa u diyaar,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Guddoomiyaha WADDANI Md Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday sida nidaamka KULMIYE iyo talada madaxweyne Biixi u kala qaybinayso bulshada Somaliland “Waxaad ka warqabteen madaxweyne Rayaale wuxuu yidhi waxaan talada kaga tagay dal midaysan iyo dad midaysan waxaa maanta indhihiina hor taalla oo cad in aan labada KULMIYE iyo Muuse midna loogu imanayn maanta.
Xukuumadda Muuse waxay leedahay Khaatumo iyo Cali Khaliif uma baahnin, waxay leedahay Awdal iyo saami qaybsigeeda uma baahnin, waxay leedahay waxa isku filan UCID iyo KULMIYE oo qudha oo doorashadii galaya, waxay leedahay taageerayaasha WADDANI iyo WADDANI midna uma baahnin,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Walaalayaal waxaan mar kale idiinku celinaya in Somaliland ku caano maashay talo wadaag, dastuurkeeduna ku salaysan yahay talo wadaag, ma dhici karto in laba xisbi kaligood tartamaan doorashana waddankan kama qaban karaan WADDANI la’aantii. Ma dhici karto inta ay dastuurka ka tallaabsadaan sida ay doonan ay yeeli karaan Muuse iyo Faysal, WADDANI wuxuu diyaar u yahay in doorasho la qabto, wuxuu diyaar u yahay in la wada tashado haddii ay isku dayaan in ay ka tashadaan shacbiga, shacbiga inta laga tashadayna way tashan doonta,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu si diirran u soo dhaweeyay in doorashada Wakiillada la qabto sanadkan “Waanu soo dhawaynayna doorashadu in ay qabsoonto 2019 laakiin, waxaanu doonayna in Komishan u dhex ah axsaabta la sameeyo, doorasho caddaalad ku dhisan ayuu xisbigu diyaar u yahay ee doorasho kasta diyaar uma aha.”
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu si adag u cambaareeyay muwaadiniin xidhan oo isugu jira hal abuuro, siyaasiyiin iyo shacab kale “Waxaanu cambaaraynayna oo si weyn u cambaaraynayna xadhiga abwaannada inta la xidho la iska soo daynayo iyo kuwa wali jeelasha ku jira, waxaanu cambaaraynayna cabudhinta saxaafadda iyo hanjabaadaha shacbiga loo dirayo, waxaanu cambaaraynayna masuuliyiinta xisbiga ee la iska xidhxidhayo oo inta badan ka mid tahay Golaha Dhexe ee xisbiga oo uu u dambeeyay Cabdixakiin Gaaxnuug oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga. Waxa aanu dhawaan saxaafadda u soo bandhigi doona dhammaan masuuliyiinta WADDANI ee jeelasha ku jira. Walaalayaal waxaynu u baahan nahay in aynu ku soo noqono dastuurka, waxa aynu u baahan nahay in aynu dhaqanka Somaliland ku soo noqono,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI diyaar u yahay doorashada la muddeeyay dhammaadka sanadkan, islamarkaana uu ku gali doono oo kaliya Komishan cusub oo kalsooni ka haysta. Waxa uu musharraxiinta doorashooyinka ugu baaqay in ay diyaar garooban.
Ugu dambeyn waxa uu mahad u celiyay masuuliyiinta iyo taageerayaasha ku soo dhaweeyay barxadda hore ee Madaarka Hargeysa.
Berberatoday.com
COMMENTS
|