“Haddii Aan Sii Dayn Kari Wayno Sh Mukhtaar Roobow Ma Sii Joogaayo Xilka..” Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya
January 22, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wali si is daba joog u dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo ku jira gacanta dowladda.
Kulamo magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ay kula yeesheen madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, ayeey ku dalbadeen odayaashu in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Rooboow oo la xidhay horaantii bishii December, ee sanadkii tagay.