Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Dedaal Ugu Jirto Sidii Ay Isku Soo Hor-fadhiisan Lahaayeen Madaxweyne Biixi Iyo Dhiggiisa Soomaaliya
January 23, 2019 - Written by admin
“Waanu Sii Wadaynaa Taageerada Iyo Dhiirri-Gelinta Qorshaha Wada-Hadallo Dhexmara Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi…”
London(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday inay dowlad ahaan ka go’an tahay dhiirri-gelinta iyo taageerada inay sii socdaan wada-hadallo ay isku soo hor-fadhiistaan Dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriska, ayaa sheegay in dowladdiisu dhiirri-gelinayso inay halkoodii ka soo amba-qaadaan wada-hadallada u dhexeeyey labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dhiggiisa Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.