|
berberatoday.com
Hanti-Dhowrka Guud Ee Qaranka Oo Lagu Dhaliilay Natiijo La’aanta Baadhista Ay Sameeyaan
January 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa lagu dhalliilay inaanay illaa hadda wax natiijo ah ka soo saarin baadhis ay muddooyinkii u dambeeyey ku sameeyaan hay’ado ka tirsan Laamaha dowladda, taas oo lagu tilmaamay inay muujinayso mad-madow ku jira masuuliyadda ay hay’addani u qaabilsan tahay qaranka.
Hanti-dhawrka Qaranka, ayaa toddobaadkii u dambeeyey baadhis ka bilaabay Xarunta Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo xarumo dowladeed oo kale oo ay ka mid yihiin Hay’adda Duulista iyo Gegida diyaaradaha ee Egal International Airport, haseyeeshee ma jiraan natiijo ilaa hadda ka soo baxday hawl-gallada la sameeyey.
Haddaba, Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa arrintan ka hadlay Shalay, ayaa waxa uu sheegay in caqabadda ugu weyn ee hor taalla shaqo-gudashada masuuliyadda hanti-dhowrku ay tahay cabsi Hanti-dhowraha ka haysa inuu xilkiisa ku waayo haddii uu shaaciyo natiijooyinka ka soo baxa baadhista.
Xoghayaha Duulista iyo Hawada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Nuuradiin Cabdillaahi Diini, ayaa dhalliilay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo uu sheegay inuu mar kasta sameeyo baadhitaanno aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, taasina ay muujinayso in tuhunno lala xidhiidhayo natiijooyinka hawl-gallada ay ku sameeyaan hay’adaha dowladda.
Nuuradiin Diini waxa uu natiijo la’aanta baadhitaannada Hanti-dhowrka tusaale u soo qaatay baadhis dhowaan laga bilaabay dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa oo aan ilaa immika wax natiijo ah laga soo saarin.
“Intii ay Somaliland jirtay waxa xadhkaha goostay musuq-maasuqa iyo xatooyada xoolaha ummadda, walina may dhicin inta ay Maxkamadi gashay oo dowladdu ummadda soo hor-joojisay qof masuul ah oo lagu xisaabay hantidii ummadda ee uu boobay. Waxay taasi u muuqataa in hadba dowladda jirtaa ay raalli ka tahay.”
Nuuradiin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Hanti-dhowrku wuu galay dowladda Hoose ee Hargeysa oo ah meelaha ugu daran musuq-maasuqa, wuxuu ka soo saarayna ma jirto, qufulladii uu ku xidhayna wuu ka furay maalinimadii ba. Meel kasta oo hanti-dhowrku galana waxba kama soo saaro, taasna waxaynu odhan karnaa in isagu laftiisu qayb ka yahay musuqa dalka ka jira,” Sidaas ayuu yidhi xog-hayuhu.
Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Waa inuu sheegaa wixii ka soo baxay baadhista dowladda Hoose ee Hargeysa, dee musuqa jira iyagaa u sahlaya. Waxaana aynu odhan karnaa sababta hanti-dhowrku u shaqayn kari waayey waxa weeyaan isagoo hadba hanti-dhowraha joogaa u baqanaya xilkiisa.”
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Md Axmed Dirir oo Wargeyska Himilo kala xidhiidhay khadka telefonka si aanu wax uga weydiinno eedaha loo jeediyey hay’adda uu masuulka ka yahay, nooma suurto-galin inaanu wax jawaab ah ka helno kaddib markii uu naga qaban waayey telefonkiisa gacanta.
Xigasho Wartgeyska Himilomadia
COMMENTS
|