Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Wasiir Hore Iyo Sababta
January 23, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha.
Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa ra’iisul wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi.
Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii saaka, waxaana lala xidhay sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa.
