Ex Wasiir Cadami Oo Ka Hadley Shirka Kulmiye Borama Ku Qabsanaayo
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee lagu qabanayo Magaalo Madaxda Awdal ee Boorama, muddo kordhinta loo sameeyey Golaha Wakiilada, iyo ismarin waaga Xisbiyada ee wali xalka laga gaadhin.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeynyidhi “Muddo wax lagu qaban karo oo lagu sii diyaar-garoobi karo ayaa loo kordhiyey Golaha Wakiilada, waxaana daruuriya oo laga sii diyaar-garoobo wax kasta oo Doorashada qabsoomideeda ku xidhan, ta kale haddii Xisbiyada sidan isku sii haystaan oo khilaafkooda xal u heli wayaan, Doorasho dhici mayso, jiid aan ku jiideena, waa gacma daalis, ee maaha inay Xisbiyadu sii kala fogaadan, mawqifkaygu kala durugsana qaatan, ee waa inay isku soo dhawaadan, oo khilaafkooda xal ka gaadhan”.