Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland oo Xidhay Xarunta Xaafimaad Ee Al-Hudda Herbel Medicine
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa xidhay cijaalka ku yaalla Hargeysa oo dadka ku dabiibay dawooyin uu sameeyey oo dabiici ah.
Hay’adda dhawrista tayada ayaa sheegtay in ay xidhay guud ahaan ganacsiga cilaajka Al-Huda Herbel Medicine oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
Xadhiga xaruntan caafimaaad ayaa lala xidhiidhiyey ka dib markii ay dalka soo galisay Capsul madhan, oo khatar caafimaad ku keeni karta bulshada qaybaheeda kala duwan,isla markaana ay soo gudbin kari waayeen waraaqo sax ah oo caddaynaya dawooyin hore hay’adda dhawrista tayadu caddayntooda soo waydiisay.