Jabhada ONLF Oo Si Adag Iminka Uga Hadashey Khilaafka Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Ka Soo Cusboonaadey
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Jig Jiga(Berberatoday.com)-War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool Dowlad Deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.
ONLF waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda ay u dooranayaan inay qabato hoggaanka.
Waxaa ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin kartaamniga iyo danaha shacabka soomaalida.