Marwo Faadumo Siciid Oo Eedihii Ugu Cuslaa Ku Hurguftay Wasiirka Beeraha Iyo Madaxweyne Xigeenka
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Marwo Faadumo Siciid oo ka mid saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa eedihii ugu cuslaa Ku hurguftay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ay ku eedaysay inuu lumiyay shir weyn oo dhinaca beeraha ah oo dalka Jarmalka ka dhacay oo Somaliland si gaar ah loogu casuumay, waxa kale oo ay sheegtay in sidaasi oo kale isna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil uu isna u gooyay shir ay Somaliland u qabteen Midawga Yurub oo isaga si gaar ah loogu macsuumay.