Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi Oo Aw-Barre Ka Dhacaya , Doorka Suldaan Wabar Iyo Cabdi Ismaaciil Samatar
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Shirweyne lagu sheegay shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya ayaa qaban qaabadiisa si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre iyo deegaamada Beeshu ka degto Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, halka sidoo kale shirkan iyo arrimihiisa si weyn looga hadal hayo Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama shirkaasi oo la sheegay in uu abaabulkiisa leeyahay Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi kaasi oo muddooyinkii dambe qaban qaabadiisu ka sooctay Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre ee dalka Itoobiya.