Shirkada Genel Energy Oo War Farxad Leh Ka Soo Saartey Sahamintii Shidaal Ee Ay Somaliland Ka Sameysay
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkada sahaminta ee Genel Energy ayaa shaaca ka qaaday in ceelkooda koowaad ee Somaliland ay qodi doonaan sannadka 2020, balse socoto akhrintii natiijooyinkii ka soo baxay sahamintoodii Somaliland.
Qoraal Genel Energy soo saartay toddobaadkan oo lagu baahiyey barta Petroleum Africa ayaa lagu sheegay in bolookyada SL-10-B/13 block, oo shirkadu leedahay saamigooda boqolkiiba 75% la dhammeeyey sahamintii ay ka wadeen.
Xaaladaha soo baxaya ayaa xaqiijinaya in Genel saadaalinayso in bolookyadaasi shidaal laga heli karo, sida ay warbixintu sheegtay. “Ififaalaha muuqda wuxuu ku raacsan yahay aragtida Genel ee ah in bologga uu ku jiro shidaal. Genel waxaay sii wadaa sahaminta iyo qiimayn ay ku samaynayso talaabooyinka xiga ee ka horeeya inay heshiis qodis gasho, waxaana suurta gal ah in sanadka 2020 ceel qodista la bilaabo. Bologga Oodwayne waxa la dersayaa in la sii wado hawlaha ka gariirinta dhulka si loo ogaado in bologaas wax ku jiraan.” Sidaas ayay tidhi warbixintu.