berberatoday.com
Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta Maxaa Laga Soo Saarey ?
January 24, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 28-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada Iyo Diyaar-Garowga Doorashooyinka

 

Kal-fadhigii 28-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2019, waxa lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka, sidoo kale waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, kuwaas oo ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahaas.

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya.

Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews