Somaliland Oo Sheegtay In Hubka La Siiyo Soomaaliya Uu Ku Dambeyn Doono Gacanta Argagixisada
   January 24, 2019 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
Nairobi(Berberatoday.com)-Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay qormo uu kaga hadlay dacwada dawladda Somaliland ay u gudbisay madaxa Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay Mr. Francisco Antonio Cortorreal, taasi oo ay Somaliland ku iftiimisay   in Gaadiidka Millatari ee dalka Qatar ugu deeqday Soomaaliya uu  burinayo qaraarkii Qarammada midoobay ee  tirsigiisu ahaa 2444, kuna wajahnaa cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Warbixinta Daily Nation, waxa  lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay u aragto hub kasta oo la siiyo ama laga iibiyo Soomaaliya uu ku dambeyn doono gacanta kooxaha argagixisada.