Somaliland Oo Sheegtay In Hubka La Siiyo Soomaaliya Uu Ku Dambeyn Doono Gacanta Argagixisada
January 24, 2019 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay qormo uu kaga hadlay dacwada dawladda Somaliland ay u gudbisay madaxa Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay Mr. Francisco Antonio Cortorreal, taasi oo ay Somaliland ku iftiimisay in Gaadiidka Millatari ee dalka Qatar ugu deeqday Soomaaliya uu burinayo qaraarkii Qarammada midoobay ee tirsigiisu ahaa 2444, kuna wajahnaa cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Warbixinta Daily Nation, waxa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay u aragto hub kasta oo la siiyo ama laga iibiyo Soomaaliya uu ku dambeyn doono gacanta kooxaha argagixisada.