90 Jir Cimrigiisa Ku Qaatay Jimicsiga Oo Ka Warramay Guulaha Caafimaadkiisa
January 25, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Jimicsiga joogtada ah iyo sidoo kale cuntada isku dheeli tirani waa laba arrimood oo aad u muhiim si laxaad lehna uga qayb qaata Caafimaadka iyo cimriga qofka.
Sahir Casiisi waa 91 jir u dhashay Dalka Ciraaq waxa aanu maalin walba ku jimicisada buuraha ku xeeran magaalada uu ku noolyahay. Sahir waxa uu sheegay in uu maalin walba jimicsado muddo laba saacadood ah muddo 70 sanno ah oo uu jimicsiga soo waday.