France: Xafaayadaha Carruurta yar yar oo laga helay Maadooyin Sun ah
January 25, 2019 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com0-Baadhitaan ay samaysay Ha’ayada faya-dhawrka caafimaadka cuntooyinka iyo Deegaanka ee Dalka Faransiiska oo magaceeda loo soo gaabiyo “ANAS”, ayaa lagu ogaaday in xafaayaha carruurta ee lagu isticmaalo gudaha Dalkaasi laga helay maadooyin sun ah.
Waxa kale oo ay ha’adaasi cadaysay in ay deraasaddo kala duwan ku sameeyaan xafaayadahaasi isla markaana la xaqiikiyay in ay ku jiraan maadooyin kiimiko ah oo halis galinaya caafimadka carruurta loo xidho xafaayadahaasi .