berberatoday.com
Hargeysa: Ujeeddada Tira-Koob Xukuumaddu Ku Samaynayso Madarasadaha Lagu Barto Qur’aanka Kariimka
January 25, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday barnaamij lagu diiwaangelinayo Madarasadaha culuumta Diinta lagu barto ee ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana fulinaysa wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, ayaa shalay xarunta wasaaraddaas ku furay shir ballaadhan oo lagu shaaciyey barnaamijkan lagu tirakoobay madarasadaha, waxaana shirka ka qayb-galay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Fooxle, Maayar ku-xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Caga-weyne, Culimo-awdiin, Maamulayaasha Madarasadaha ku yaalla magaalada Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Aadan Cabdilaahi Cabdalla oo ugu horeyn ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada loo diiwaangelinayo Dugsiyada Cilmiga Diiniga ah ah lagu barto ee Caasimadda, waxaanu sheegay in wasaaraddu qorshahan bilowday bishii June ee sanndkii hore, isla markaana la go’aamiyey in laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka.
“Qorshahan oo ah mid ballaadhan waxaanu ugu talo-galnay nidaam casri ah oo lagu diiwaangelin doono. Ujeeddada loo diiwaangelinayana waxa ka mid ah; kor-u-qaadista iyo dhiirigelinta hawlaha madarasadaha Qur’aanka lagu dhigo, in manhaj midaysan loo sameeyo madarasadaha, in laga hortago nidaam-xumo ku timaadda madarasadaha sida in madarasad laga ag-furo madarasad kale iyo in wasaaraddu ogaato tayada madarasadaha macalimiintana la siiyo tabobar aqoontooda kor loogu qaadayo,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud oo ka hadlay ujeeddada laga leeyahay Tirakoobka Madarasadaha Qur’aanka, waxaanu intaas raaciyey, “Waxa kale oo ka mida in madarasad kasta wasaaraddu siiso Shahaado ama sharciyad ay ku shaqayso sannadkiiba hal mar.”
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Maayar ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne oo ka hadlay kulanka, ayaa si qoto-dheer uga hadlay faa’idada qorshahani u leeyahay ammaanka dalka iyo tayada waxbarashada da’yarta, waxaanay ballan-qaadeen inay gacan ka geysan doonaan hirgelinta Qorshahan ay soo diyaarisay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.
Qaar ka mid ah Maamulayaasha Madarasaha lagu barto Qur’aanka Kariimka ah oo kulanka ka hadlay, ayaa ku bogaadiyey wasaaradda hirgelinta tallaabadan oo ay ku tilmaameen mid si weyn uga qayb-qaadanaysa Xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibaadka iyaga looga baahan yahay.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo gunaanadkii kulanka ka hadlay, ayaa sharxay muhiimadda uu leeyahay barnaamijka tira-koobka Madarasadaha ee Wasaaraddiisu bilowday.
“Halkan waxaynu isugu nimi karaamayn aynu karaamaynayno Qur’aanka Kariimka ah oo la doonayaa in la diiwaangeliyo madarasaha iyo macalimiintaba.
Barnaamijkani wuxuu ka yimi talo-wadaag xaggiinana ka yimi, xaggayana ka yimi. Wuxuu noqon doonaa mid lagu ogaanayo xaaladda madarasadda iyo xaaladda macalinkaba,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Diinta iyo Aw-qaafta oo ka hadlay ujeeddada laga leeyahay qorshahan.
Si kasta ha ahaatee, tallaabadan ayaa noqonaysa markii u horeysay ee wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland shaaciso qorshe ay ku diiwaangelinayso Madarasadaha lagu barto culuumta Diiniga ah oo aan ka mideysnayn manaahijka ay dhigaan.
Berberatoday.com
COMMENTS
|