Kenya”Siyaasi Caan Ah Oo Qirtay In Uu Tuug Ahaan Jiray !
January 25, 2019 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaadhaya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray.
Mike Sonko waa badhasaabka ismaamulka Nairobi, idaacadda la’iska arko ee Citizen inta uu soo fariistay ayuu ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray.
