Wasiirkii Dawlada Itoobiya Xidhay Oo Maxkamad La Hor Geeyey
January 25, 2019 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Bereket Simon iyo Tadesse Kassa oo lagu eedeeyay falal musuq maasuq ah ayaa maanta kasoo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada waqooyiga Itoobiya.
Waxaa loo diiday in lagu soo daayo damaanada, waxaa ay si xirnaan doonaan muddo 14 cisho ah.
Waxaa dhageysiga dacwadda loo heysta labadan nin dib loo dhigay ilaa 8 bisha Febraayo markaas oo maxkamadda go’aan ka gaari doonto eedeymaha loo jeediyay.
