Madaxweynaha ayaa haatan loo galbiyay hoolka VIP-da ee garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe halkaas oo la filayo in ay saxaafad kula hadlaan isaga iyo madaxweynaha Puntland.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qotoma ka qeybgalka xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Dr,Siciid Cabdulaahi Deni waxaana la filayaa in sacaada soo socota ay bilaabato xafladaasi.