Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Eeddo Uu Xisbiga Waddani U Jeediyay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland
January 26, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuuf Faratoon, ayaa ka jawaabay eeddo ay marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Waddani u jeedisay xukuumadda oo ah in hoos u dhac ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland islamarkaana ay xaalad dhaqaale xumo ah ku suganyihiin xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dalalka dibadda.
Wasiir Faratoon, oo uu Geeska Afrika weydiiyay jawaabta uu ka bixinayo eedahaas xisbiga Waddani, wuxuu yidhi
“Safaarado aynu leenahay oo xidhmay iyo kuwa xidhmayaa, midna ma jiro, Xafiisyo ama Safaarado Shacabka reer Somaliland kala jecelaysanaya ma jiro, dadkeena Somaliland ee qurba jooga ah marka ay dalka dibadiisa joogaan, waa dad isku mid ah, marka ay dalka gudihiisa joogaana waa dad isku mid ah oo isku xuquuq ah, marka dalka ay joogaan ayeyba kala Xisbi noqdaan, balse marka ay qurbaha joogaan, isku si ayaa loo qabilaa, waa isku xuquuq, lama soo kala dhawaysto, Safaradaheenuna si kala duwan uguma adeegaan, ee si cadaalad ah ayey ugu adeegaan, waxaana dhab ah in dadkeena qurbaha jooga ay yihiin dad kaalin weyn ku leh horumarka uu dalku gaadhay, ta kale Shirkado ama waxyaabo si gaar ah loo samaystay, oo akoono gaar ah loo sameeystay oo la musuqay ma jiraan, ee Xukuumaddu ha noqoto Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Guddaha iyo guud ahaan Shacabkeeda cadaalad iyo sinaan ayey ugu adeegtaa, Marwadaas hadashayna, ee magaca Xisbiga Waddani ku hadlaysay waxaan leehahay oo aan kula talinayaa inay aad ugu fiirsato waxay ku hadlayso, waana laga wanaagsan yahay inuu qofku ka fiirsado wuxuu ku hadlayo, mana haboona in la sheego hadalo xaqiiqada ka fog”.