Madaxweyne Muuse Oo Cisbataal Gaar Loo Leeyahay Ku Booqday Wasiir Kamida Golaha Xukumadiisa Oo Xanuun Deg Deg Ahi Kusoo Booday
January 27, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa, ka dib markii uu ku soo booday xanuun kedis ah oo ka haleelay lugta iyo gacanta bidix oo shaqayn waayay loona malaynayo Xanuunka Faaliga oo Wasiirka Haleelay alle Ha Caafiyee.
Waxaanu Madaxweynuhu wasiirka Alle uga baryay inuu caafimaad taama siiyo, isaga iyo intii xaalad caafimaad u jiifta.