Daawo Muuqalka”Madaxweyne Putland Ee Xalay La Caleema Saaray Siciid Cabdullahi Deni Shaaciyay Waxyaabaha Uqorsheysan Maamulkiisa Cusub
January 27, 2019 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Xaflada Caleemo-saarka ee lagu qabtay caasimadda Garoowe ayaa ka hadlay waxyaabaha uu xooga saari doono mudada uu xilka hayo.
Xaflada oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe waxaa ka qaybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka, guddoonka aqalka sare, madaxda maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore ee Puntland, wakiilo ka socday beesha caalamka, isimo iyo marti sharaf oo kale oo tiro badan.
Khudbadiisa wuxuu xooga ku saaray waxyaabaha u qorshaysan ee uu mudnaanta kowaad uu siin doono ee uu qaban doono mudada uu xilka hayo oo ay ka mid tahay tayaynta hay’adaha dowliga ah iyo dardargalinta hay’adaha bulshada ee dhinaca siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo midnimada
Wuxuu kaloo sheegay inuu taabo gelin doono saraynta sharciga iyo qanuunka, waxaa kaloo uu sheegay inuu dib u eegis ku samayn doono tirada iyo tayada iyo xeerarka lagu asaasay hay’adaahi si loo cadeeyo waajibaadkooda shaqo
Wuxuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha u badan uu Puntland uga hirgalin doono nidaamkii axsaabta badan si shacabku u soo doortaan hoggaamiyayaal ay la xisaabtami karaan. sidoo kale wuxuu sheegay inuu xooga saari doonaa la dagaalanka kooxaha alshabaab iyo Daacish.
Mar uu madaxweynuhu ka hadlay nidaamka federaalka waxaa uu sheegay in maamulkiisii uu door firfircoon ka qaadan doono hirgalinta nidaamka federaalka iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland
Xaflada caleemo-saarka waxaa kaloo khudbado ka jeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee federaalka iyo Puntland, isimo,Culuma’udiin, iyo xubno ka socday midowga yurub iyo midowga afrika.