Daawo Muuqalka”42 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland Oo Tabobbar Loo Soo Xidhay
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-42 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee magaalooyinka Burco, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama, kuwaas oo muddo sagaal bilood ah baranayey tabobbar la xidhiidha shaqada ciidanka dabdemiska iyo sida ay ula tacaali lahaayeen dabka.
Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Dabdemiska,Talye Xigeeenka, Maayorka Caasimada Hargeysa, Maayorka Degmada Gabiley, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska iyo Masuuliyiin kale oo badan.
Ugu horayn taliyaha ciidanka ayaa halkaa hadal dheer ka jeediyay, waxaanuu ka warramay marxaladihii ay soo mareen dufcadani iyo Tababarada ay soo qaateen, waxaanuu taliyuhu tilmaamay in ciidankani Tababar dhamaystiran soo qaatay, laga bilaabo maantana ay ku hawlgeli doonaan xirfada lagu soo tababaray.