Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashir Oo Cabsi Xoogani Soo Waajah-dey.
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
Sudan(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa sheegay inay jiraan dadaallo la doonayo in dalkiisa rabshado iyo qalalaase looga abuuro isla markaasna ay jiraan isku dayayo ah in lagu tallaabsado dhaqdhaqaaqyo lamid ah kuwi gu’gii carabta.
Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira halkaas oo uu kula kulmay madaxweyanaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi. Waa booqashadii labaad uu Al Bashiir ku tego dalal shisheeye tan iyo markii dibadbaxyada ay dalkiisa ka bilaawdeen bishii Disembar ee sannadkii lasoo dhaafay.