Masar: Qoys Ugeeriyooday Cunto Wasakhaysan!
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
Masar(Berberatoday.com)-Ciidammada Amaanka magaalada Giza ee Dalka Masar ayaa waxa cabasho gaadhsiiyay qaar ka mid ah dadka magaaladaas oo cabasho ka muujiyay Ur qadhmuun oo ka soo baxaysa guri ay daris yihiin. Ciidamada Amaanka ayaa soo gaadhay goobtaasi waxa aanay jabiyeen gurigii oo loogu tagay meydadka 4 qof oo deggenaa guriga.
Meydadkaasi loogu tagay guriga ayaa waxa ay kala ahaayeen Aabihii qoyskaasi oo ay da’diisu ahayd 43 iyo Hooyadii qoyskaasi oo ay da’deedu ahayd 35 jir iyo laba carruura oo ay dhaleen oo ay da’ahoodu kala ahaayeen 13 jir iyo 18 jir .