Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Qambi Oo Muddo Tobaad Ah Cisbitaalka Ku Jira Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Booqan !!
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo guryenta Somaliland Md Cabdirashiid Qanbi ayaa muddo ka badan Todobaad ku xanuusanaayey magaalada Hargeysa isla markaana u kala dhaxeeyey oo yaalay Marna Cisbitalka International Iyo Gurigiisa .
Wasiirka oo xalay dib loogu soo celiyey Guriiga ayaa maanta dib loogu celiyey Cisbitalka International oo uu markii hore yaalay , kadib markii xaaladiisa caafimaad ka soo reyn weyday , alleh ha caafiyee.
Madaxweynaha Somaliland oo shalay Cisbital Haldoor ee magaalada Hargeysa ku booqdey Wasiirka Caafimaadka oo isna xaalad caafimaad u yaala ayaan booqanin wasiirka Hawlaha Guud oo isna Markaas xanuun u jiifay .