berberatoday.com
Wiil Sagaal Jir Ah Oo Laga Caydhiyey 12 Dugsi iyo sababta ka dambaysa
January 28, 2019 - Written by Berbera Today

Tunis(Berberatoday.com)-Hooyo u dhalatay Dalka Tunisia ayaa waxa ay qayla dhaan u diratay Xukuumada Dalkaasi kadib markii wiil yar oo ay dhashay oo da’diisu tahay Sagaal sanno jir laga eryay 12 Iskuul.

Wiilkan yar waxa Ilaahay SWT ku manaystay Maskax aad u heer saraysa iyo Fahmo aad u cajiib ah, taasina waxa ay sababtay in laga eryo dugsiyadaasi maadaama oo uu ka horeeyo Ardayda uu ay isku da’da ahaayeen ee ay wax wada dhiganayeen.

Kama jiro dalkaasi qaanuun carruurta noocan oo kale ah u saamaxaya in ay waxbarasho helaan. Hooyada dhashay wiilkaasi oo u warrantay wakaaladaha wararka ee Dalkaasi ayaa, “Ilaa iyo Hadda waxa uu dhigtay 12 dugsi mar kastana waxa uu ku guulaystaa kaalinta koowaad, si gaar ah ayaa wax loogu dhigaa, ma jiraan sababo muuqda oo ay dugsiyadu u cuskanayaan erigaasi waxa aanay mar walba igu yidhaahdaan xal u raadi, marka aan ku idha ha joogo oo ha dhigto dugsigana waxa ay saaraan culays aanu qaadi Karin.”

Macalimiinta Dalkaasi wax ka dhiga ayaa waxa ay ku Amraan waalidiinta Ardayda in Loo sameeyo Macalin Guri si ardaygu uu aad ugu fahmo waxa uu baranayo, balse wiilkani yar ayaan u baahnayn Macalin-guri Maadaama oo ay Macalimiintiisu sheegeen in waxa ay Casharrada uu sannad-dugsiyeedka dhigan lahaa uu ku Fahmi karo hal Toddobaad.

Wiilka Mucjisada ah ayaa aad loogu qaadaa dhigay warbaahinta Dalkaas iyo sidoo kale dadka ayaa baraha bulshada ku baahiyay Arrinta wiilka yar, waxa aanay ugu baaqeen xukuumada in ay xal degdeg ah iyo tixgelin u samayso dadka maskaxdoodu aadka u sarayso.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews