Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Ku Goodiyay Inaanay Jirin Cid Kala Diri Karta Golaha Deegaanka Hargeysa Sheegayna Cida Kaliya Ee Baddali Kartaa Inay Tahay Golle Lasoo Doortay
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Maayar ku Xigeenka Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka hadlay arin maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay oo ku saabsan waxa laga yeelayo Golaha Deegaanka Hargeysa oo wakhtigiisii sharciga ahaa uu kaga egtahay Bilahan soo socda ee sannadkan, isagoo sidoo kalena beeniyay wararka ku saabsan Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) inuu ka baxsaday Baadhista Hanti dhawrku ku hayo Xafiisyadda Lacagta Dawladda Hoose.