Xukumada Sucuudiga Oo Eedeeyay Masuuliyiinta Soomaalida
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka degaanka, biyaha iyo beeraha ee Boqortooyada Sucuudiga Md Cabdiraxmaan Alfadli ayaa masuuliyiinta Soomaalida ku eedeeyay in ay ku fashilmeen hagaajinta maxsharrada xoolaha si xayiraadda looga qaado xoolaha Soomaalida.
Wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya wargeyska Almadiina ee ka soo baxa Sucuudiga ayaa sheegay in wasiirku hadalkan yidhi Axaddii isaga oo la hadlayay maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Maka Almukarama.