Dal Muslim Ah Oo Dadkiisa Ka Mamnuucay In Aysan Xannaaneysan Karin Eeyga
January 30, 2019 - Written by Berbera Today
Iran(Berberatoday.com)-Caasimadda dalka Iiraan waxaa laga mamnuucay dadweynaha dalkaasi inay Eeyga ay ku dhex wataan gudaha magaalada Tehraan, waa tallaabo la doonayo in looga hortaggo in dadka dalkaasi ay Eeyga ku xannaaneystaan guryahooda.
Taliyaha booliska Tehraan, Xuseen Raxiimi ayaa sheegay in xafiiska dacwad oogaha guud ee dalkaasi uu u ogolaaday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka lagu arko iyagoo Eeygooda ku dhex wata meelaha ay dadka isugu yimaadaan sida gooba loo damaashaad tego.