Sirdoonka Mareykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Kooxda Daacish
January 30, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Sida laga soo xigtay agaasimaha mukhaabaraatka qaranka Mareykanka Dan Coats, kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS ayaa wali amarta kumanaan dagaalamayaal ah oo ku sugan gudaha Ciraaq iyo Suuriya waxa ayna xambarsan yihiin fikrado khatar ah inkasta oo dhulal badan laga qabsaday.
Hadalkiisan ayaa kasoo horjeeda hadal uu dhawaan sheegay madaxweyne Trump oo ahaa in kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS laga adkaaday uuna taasi u coskaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya.