Tahriibayaal Ka Badan 130 Qof Oo Laba Doonyood Ay Badda Kula Degeen
January 30, 2019 - Written by Berbera Today
Tripoli(Berberatoday.com)-Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta ayaa sheegeysaa in la la’yahay dad kor u dhaafaya 130 qof oo muhaajiriin ah kaddib markii labo doonyood oo ay saarnaayeen ay kula degeen xeebaha dalka Jabuuti.
Ha’yadda IOM waxay sheegtay in dadka degan gobolka Obokh ee Waqooy bari dalka Jabuuti ayaa dhacdadaasi ku wargeliyay booliska kaddib markii ay arkeen labo qof oo kasoo badbaaday doomaha qalibmay iyo meydadka saddex haween iyo labo rag ah.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in doomaha ay qalibmeen markii nus saac ku dhawaad ay badda ku safrayeen, labada doonyood ayaa la sheegay in rakaab xadh dhaaf ah ay saarnaayeen.