Dawlada Qadar Oo Guul Cadho Abuurtay Ka Gaadhtay Imaaraadka
January 31, 2019 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Qadar ayaa 4-0 ku garaacday waddanka Marti galiyay tartanka koobka Aasiya ee Imaaraadka Carabta, si ay u gaarto finaalka koobkaas, iyadoo ciyaartaasna ay taageerayaasha imaaraadka kabaha ku tuureen ciyaarytoyda kasoo hor jeedda ee xulka Qadar.
Taageerayaasha gurigooda jooga ayaa dhalooyin iyo kabo kusoo tuurayay marka ay ciyaartooyda Qadar u dabaaldagayeen goolashooda intii lagu jiray ciyaartaas oo ka dhacday magaalada Abu Dabi.
