Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Horseed U Tahay Farriimo Culus Oo Doorashada Wakiilada Ku Saabsan Oo Ay Beesha Caalamku Soo Gaadhsiinayso Somaliland
January 31, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in Ingiriisku horseed ka yahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.