Dukaamo Ay Soomaali Leedahay Oo Koonfur Afrika Lagu Boobay
January 31, 2019 - Written by Berbera Today
Johannesburg(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalidu ku leeday dalkaasi la boobay.
Cabdi Mahad Bilow Kunow oo kamid ganacsatada boobka loo geystay ayaa BBC u sheegay in ilaa toddobo dukaan la boobay isla markaasna ay ka carareen kooxda weerarka kusoo qaaday.
“Afar qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay inay yihiin ilaa kontomeeyo oo aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaadhnay ilaa laba saacadood ayay dukaanka dhex cayeen” ayuu yidhi Cabdi Mahad.