Wariye Muddo Ku Xidhneyd Mareykanka Oo Iran Lagu Soo Dhaweeyay
January 31, 2019 - Written by Berbera Today
Tehran(Berberatoday.com)-Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ayaa dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xidhneyd Mareykanka.
Marzieh Hashemi, oo war akhriye ka ah Press Tv, ayaa la xirey 13-kii January kadib markii ay soo caga dhigatay St. Louis, Missouri, oo ay qoyskeeda ku booqaneysay. Waxa la hayay muddo 10 beri ah.
