Mareykanka Oo Ka Baxay Heshiis Caalami Ah Oo Uu Kula Jiray Ruushka
February 1, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF.
