Nin U Dhashay Japan Oo Cunay Jacaylkiisii Iyo Sababta Ku Kaliftay
February 1, 2019 - Written by Berbera Today
Tokiyo(Berberatoday.com)-Xilliyaddii dambe waxaa dalka Japan ka soo baxayay sheekooyin guur oo aad u yaab badan oo ragga iyo dumarku ay guursanayaan lamaane khiyaali ah oo loo dhigayo xaflado guur dad badani ka soo qeybgalayaan, laakiin xaaladdu sidii hore wey ka duwan tahay kana yaab badan tahay.
Waa sheekada wiil Japanese ah oo la yidhaahdo Yuta Shinohara, in muddo ah waxa uu la haasaawayay baranbaro dhaddig ah oo uu u bixiyay “Liza”, aad ayuu ugu hamuun qabay illaa uu ka gaadho heer uu jacayl dhab ah u qaado, waa sida uu qoray website-ka Soranews ee dalka Japan ka soo baxa.