Ma Sax Baa Asbaabaha Madaxweyne Biixi U Marag Gashaday Rayaale,Buubaa, Samatar, Xaglotoosiye, Cali Khaliif Iyo Cali Ciise?
February 3, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay sanad guurada 25-aad ee Ciidanka Qaranka waxa uu ku sheegay in wada lahaanshaha dawladnimada Somaliland tahay mid sugan waxaanu tilmaamay in siyaasiyiin Somaliland ah oo xilal u doontay maamulka Puntland iyo Soomaaliya natiijada ay kala kulmeen muujisay in aan la wada lahayn dawladnimada.
Madaxweyne Biixi waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Md Farmaajo in uu ku hawlan yahay xuduud beelaysan in lagula dagaallamo Somaliland isaga oo aan waxba u ogolayn siyaasiyiinta Somaliland ee Soomaaliya taga “Waxa la yaab leh markii isaga (Farmaajo) la dooranayay waxa la tartamay oo raggii ugu cadcadda ee ugu aqoonta badna ahaa Axmed Ismaaciil Samatar markii uu doorashada la galayna waxa la yidhi ‘Orod dalkaagii tag oo ku noqo’ waxaanu ahaa ninka juhdiga ugu badan galiyay Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimid oo wuu inooga warramay waxa yaalla. Waxa ka sii horeeyay Ismaaciil Hurre Buubaa oo toban sanno wasiirka khaarajiga u ahaa wuu inoo yimid oo wuu inooga warramay waxa meesha yaalla,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaasi ku daray in ay la yaab tahay dagaalka Farmaajo kula jiro Somaliland maaddaama uu sidaas loo galayo siyaasiyiinta u tagta.