War Cusub Oo Ka Soo Baxay Wararka Sheegaya In Kominshanka Doorashooyinka S/land Is Casilayaan
February 3, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanay guddiga doorashooyinku Qaranku, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbin wax is casilaad ah.
Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika ka helay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa daboolka ka qaaday inaanay jirin wararka sheegaya inay guddiga doorashooyinku is casilaad gudbiyeen, waxaanu warku intaas ku daray inay guddiga doorashooyinku toddobaadkii u dambeeyay ku mashquulsanaayeen kulamo ay la yeesheen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha shisheeya ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba jadwal u samaynta diyaar garowga doorashada golaha wakiilada.