Wasiir Sheegay In Hay’adaha Dawladdu 70% Isticmaalan Astaanta Qaranka Oo Khaldan
February 3, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu isticmaalan Astaanta Qaranka oo khalad ah, taas oo aan waafaqsanayn qaabta Dastuurku u asteeyay Astaanta Qaranka Somaliland. Astaanta saxda ah iyo tan khaldan ee wasiirku soo bandhigay ayaa ku kala duwan midabka qaabka guud.
Wasiirka oo shalay hor tagay Guddida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida Somaliland waxa uu sheegay in ay xeer u samaynayaan Astaanta, Calanka iyo Af Soomaaliga oo uu tilmaamay in aanu jirin xeer lagu maamulo marka laga reebo qodobo Dastuurka ku jira oo si kooban u astaynaya.