Bankook(Berberatoday.com)-Ciyaaryahanka Hakeem al-Araibi oo ka tirsan Shiicada Baxreyn ayaa horey uga mid ahaa xulka Qaranka Baxreyn wuxuuna dalkiisa ka cararay xiligii ay socdeen mudaharaadyada ay dhigayaan Shiicada u badan dalkaasi ee kasoo horjeeda Boqortooyada dalkaasi ka talisa oo Sunni ah.
Hakeem al-Araibi ayaa sanadikii 2014 u baxsaday dalka Australia oo uu magangelyo ka helay wuxuuna dalka Thailand u tagay dalxiis.
Booliiska Thailand ayaa bishii November xiray Hakeem al-Araibi kadib markii ay ogaadeen in dalka Baxreyn uu hay’ada Interpol (booliiska caalamka) ka codsadeen in ninkaasi loo soo gacan geliyo, Hakeem al-Araibi ayaa sheegay inuusan dooneyn in loo celiyo dalka Baxreyn oo uu sheegay in jirdil loo geysan doono.
Dowlada Baxreyn ayaa ku doodaysa in Hakeem al-Araibi horey maxkamadooda ugu xukuntay xabsi 10 sano ah kadib markii la sheegay inuu ka qeyb qaatay mudaharaad lagu burburiyey xarun ay leeyihiin ciidamada Booliiska Baxreyn, hase yeeshee ciyaaryahankan ayaa arrintaasi beeniyey oo sheegay in xiliga falkaasi uu dhacay uu ka qeyb qaadanayey ciyaar telefishinka si toos ah uga socotay.
Dowlada Australia iyo ururka FIFA ayaa ugu baaqday Thailand in ninkaasi ay siidaayaan, waxaana maanta maxkamada Thailand ku sugnaa diblumaasiyiin ka socotay 13 wadan oo sheegay inay garabsiinayaan ciyaaryahankan.
Maxkamada ayaa kiiska dib u dhigtay illaa bisha April, waxaana loo diiday Hakeem al-Araibi in damiin lagu siidaayo.