berberatoday.com
11 Dal Oo Ka Tirsan EU-da Oo Aqoonsaday Madaxweynaha Mucaaridka Venezuela
February 5, 2019 - Written by admin
Guddoomiyaha Baarlamaanka Venezuela Juan Guaido

Qaar kamid ah wadamada reer Yurub ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa isniintii shalay ku dhawaaqay inay Madaxweynaha rasmiga ah ee Venezuela u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi Juan Guaido.

Juan Guaido oo hogaamiya Mucaaridka Venezuela ee awooda kuleh Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu yahay Madaxweyne Kumeel gaar ah isla markaana soo diyaarin doono doorashooyin cusub, wuxuu ku eedeeyey Madaxweynaha xilka haya ee Nicolas Maduro inuu ku tuntay sharuucda dalkaasi.

Maraykanka ayaa durbaba aqoonsaday hogaamiyaha mucaaridka balse illaa iyo hada dalalka Midowga Yurub ayaa ka gaabsanayey, waxayna illaa iyo Axadii u qabteen ugu danbeyn Nicolas Maduro inuu aqbalo wadahadal iyo inuu soo qaban qaabiyo doorashooyin cusub.

Maduro oo codsiga EU-da diiday ayaa ku tilmaamay hanjabaada Yurub mid lamid ah farogelintii Gumeystayaasha.

Dalalka Spain, Austria, Britain,  Czech Republic, Denmark, France, Germany, Poland, Portugal iyo Sweden ayaa shalay ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Juan Guaido.

Raysalwasaaraha Spain, Pedro Sanchez oo shalay ku dhawaaqay inay taageerayaan mucaaridka Venezuela ayaa sheegay inay ka shaqeenayaan sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkii dimuquraadiga ee dalka Venezuela (AP Photo/Andrea Comas)

Madaxweynaha xilka haya ee Maduro ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan xiriirkii ay la lahaayeen dalalkaasi reer Yurub, isagoo si gaar ah u weeraray Raysalwasaaraha Spain Pedro Sanchez oo uu sheegay inuu arrintan kasoo shaqeeyey isla markaana u adeegayo Maraykanka

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews