Banka Dawlada Ee Berbera Oo Dib Udhis Iyo Qalabayn Lagu Wado+Rajo Laga Qabo Inuu Siduu Ahaan Jiray Ushaqeeyo
February 6, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Bangiga dawaladu ay Leddahay ee Berbera ku yaal ayaa tan iyo intii la dhisay oo ku dhow nus qarni waxaa waqtigan lagu sameeyay dibu dhis casri ah oo loo qorsheeeyay in uu qabto shaqaooyinka aay qabtaan bangiyada private ka ah, Sida aanu warka ku helnayna waxa tababaro la jaanqaadaya tiknoolijiyada casriga ah ee bangiyada lagaga shaqeeyo dhawaan lasiin doonaa shaqaalaha bangigaasi ka hawlgali jiray iyo dhalinyaro kale oo aqoonyahano ah loo carbin doono shaqada bangigan berbera,
Bangiga berbera wuxuu ahaa ka ugu shaqada badan bangiyada Somaliland sababtoo ah wuxuu qaban jiray dakhliga lacageed ee dawlada ugasoo xerooda dekada berbera inakstoo hantaaqao ku timid intii dekada berbera aay maamulkeeda la wareegeen shirkada carbeed ee Dp world oo iyadu xiligan isticmaasha bangiyada private ka ah ee dahabshiil iyo salaama bank,